
Mas'uul sarsare oo FIFA ka tirsan oo shaqada laga eriday
Xiriirka kubbadda cagta adduunka ee FIFA ayaa shaqada ka eriday madaxii hawlgalinta ee Kevin Lamour, wax ka yar saddex toddobaad kaddib markii uu si weyn u dhaliilay qorshe uu madaxweyne Gianni Infantino ku doonayay inuu saami uga iibiyo maalgashadayaal gaar loo leeyahay. Sida ay xaqiijisay hay'adda maamusha kubbadda cagta, shaqo ka joojintan ayaa dhaqan gashay Isniintii, 17-kii Agoosto, waxaana go'aankan lagu wargeliyay shaqaalaha. Lamour ayaa shaqadan hayay ilaa bishii Nofembar 2024, isagoo ka mid ahaa mas'uuliyiinta sarsare ee tooska u hoos taga Infantino. Go'aankan ayaa daba socda muran xooggan oo ka dhashay qorshaha lagu magacaabo FIFA Forward Enterprise (FFE) oo ugu dambayn la baajiyay. Ujeeddada qorshahan ayaa ahayd in la abuuro shirkad cusub oo maamusha xuquuqda ganacsiga iyo iibinta tigidhada ee dhammaan tartamada FIFA, oo uu ku jiro Koobka Adduunka. Infantino ayaa doonayay in uu shirkaddaas ka iibiyo maalgashadayaal gaar loo leeyahay, balse arrintaas ayaa kala kulantay diidmo weyn oo sababtay in meesha laga saaro. Bishii la soo dhaafay, Lamour ayaa si cad uga horyimid qorshahan, isagoo ku tilmaamay inuu yahay "mashruuc uu hal qof wato". Waxa uu sheegay in la joogo waqtigii ay hoggaamiyeyaasha siyaasadda kubbadda cagta isweydiin lahaayeen su'aalaha saxda ah, isla markaana ay qaadan lahaayeen go'aannada ku habboon. Waxa uu sidoo kale ku dooday in maamulka FIFA laftooda "la khiyaameeyay" xilligii la waday mashruucan hadda la baajiyay. Isagoo si toos ah u dhaliilaya qaabka hoggaamineed ee Infantino, Lamour ayaa yiri: "Hadafkeenna – hadafka boqolaalka shaqaalaha FIFA ee dadaalka iyo hufnaanta muujiyay – waa in aan u adeegno kubbadda cagta. Madaxweynaha waxaa looga fadhiyaa inuu dadka isku keeno, mideeyo, oo uu dhiirrigeliyo. Maanta, waxaan aragnaa caksiga arrintaas." Waxa uu raaciyay inuu garanayo waajibka daacadnimada ee uu u hayo shaqadiisa, balse uu mudnaanta siinayo qiyamkiisa. "Haddii taasi ay ka dhigan tahay in aan shaqadayda waayo, ha noqoto. Waan fahmi doonaa, waana xushmeyn doonaa go'aankaas. Ugu yaraan caawa si fiican ayaan u seexan doonaa." Khilaafkan ayaa bannaanka yimid horraantii bishan markii Infantino uu taageero ka raadiyay mas'uuliyiin sarsare oo shir ku yeeshay waddanka Marooko, halkaas oo aan haba yaraatee lagu casuumin Lamour. Afhayeen u hadlay FIFA ayaa xaqiijiyay in xiriirkii shaqo ee Lamour uu dhammaaday 17-kii Agoosto 2026, isagoo u rajeeyay mustaqbal wanaagsan. Habeenkii Isniinta, xoghayaha guud ee FIFA Mattias Grafstrom ayaa fariin iimayl ah ugu sheegay shaqaalaha in hay'adda iyo Lamour ay ku heshiiyeen inay kala tagaan. Qoraal uu Grafstrom u diray xubnaha golaha FIFA oo ay aragtay BBC Sport, ayuu ku yiri: "Waxaan jeclaan lahaa in aan idinla wadaago xog muhiim ah oo ku saabsan isbeddel ka dhacay maamulka FIFA. Kaddib wada-hadallo dhowaan dhacay, FIFA iyo madaxeenna hawlgalinta, Kevin Lamour, waxay ku heshiiyeen in ay kala tagaan." Waxa uu sheegay in go'aankan la gaaray kaddib qiimeyn qoto dheer iyo xushmad weyn oo loo hayo Kevin, isagoo uga mahadceliyay shaqadii uu qabtay. Lamour, oo horay u soo noqday ku-xigeenka xoghayaha guud ee UEFA, bixitaankiisa ayaa muujinaya kala qaybsanaanta ba'an ee ka dhex taagan maamulka kubbadda cagta adduunka. Qorshihii FFE ayaa sababay in xiriirada qaaradaha Yurub (UEFA), Waqooyiga Ameerika (CONCACAF) iyo Aasiya (AFC) ay si cad uga horyimaadaan. UEFA ayaa xitaa ku hanjabtay inay qaadici doonto Koobka Adduunka haddii qorshahaas la meelmariyo. Natiijada arrintan, UEFA iyo CONCACAF ayaa kala noqday taageeradii ay siinayeen Infantino oo u taagan muddo xileedkiisii afaraad bisha Maarso ee sannadka dambe. In kasta oo uu wajahayo cadaadis weyn, Infantino ayaa weli haysta taageerada xiriirada Afrika, Koonfurta Ameerika iyo Ooshiyaaniya, kuwaas oo u codeeyay inay garab istaagaan. Xitaa xubno ka tirsan CONCACAF oo ay ku jirto Mekisiko ayaa ka horyimid xiriirkooda si ay u taageeraan madaxweynaha. Si kastaba ha ahaatee, hay'adda FairSquare ayaa qoraal ay u dirtay FIFA ku dalbatay in Infantino aan loo oggolaan inuu mar kale isu soo taago xilka. Loolankan siyaasadeed ee ka dhex taagan madaxda FIFA ayaa saameyn toos ah ku leh xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya, kaas oo ka tirsan xiriirka qaaradda Afrika. Maadaama xiriirka Afrika uu horay u go'aamiyay inuu taageero buuxda siiyo Infantino doorashada dhacaysa bisha Maarso, maamulka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa qayb ka noqon doona dhinaca garabka siinaya madaxweynaha, xilli lagu muransan yahay qaabka mustaqbalka loo maamulayo dhaqaalaha ka soo xarooda Koobka Adduunka.
Akhri habraaca ilaha iyo saxitaanada



Noqo qofka ugu horreeya ee fikirkiisa kaga dhiiba warkan!