Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka faa’iidi karto heshiiska cusub ee difaaca ee ay wada galeen Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Bakistaan. Yaasiin, oo sidoo kale soo noqday la-taliyaha amniga qaranka, ayaa heshiiska ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya taageero amni uga heli karto saaxiibbadeeda Carabta iyo dunida Islaamka. Qoraal uu ku daabacay X, Yaasiin ayaa sheegay in heshiisku muhiimad istiraatiiji ah u leeyahay dalalka ku teedsan Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Labada marin-biyood ayaa wajahaya loollan ka jira Bariga Dhexe, khataro dhinaca amniga badda ah iyo tartan u dhexeeya quwadaha gobolka. Heshiiska Wadajirka ah ee Difaaca Makkah ayaa dhigaya in weerar hubeysan oo lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo aqoonsanayo weerar lagu qaaday dhammaantood. Ujeeddadiisu waa xoojinta awoodda wadajirka ah ee ka-hortagga weerarrada iyo ballaarinta iskaashiga milateri iyo amni. Soomaaliya kama mid aha saxiixayaasha, sidaas darteedna qodobka is-difaaca wadajirka ahi si rasmi ah uguma fidsana Muqdisho. Hase yeeshee, Yaasiin ayaa ku dooday in Soomaaliya ay si dadban uga faa’iidi karto isku-duwidda dhow ee saddex dal oo saameyntooda siyaasadeed, milateri iyo dhaqaale ay ku sii kordheyso Geeska Afrika, Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Saddexda dalba xiriir ayay la leeyihiin Muqdisho, inkastoo Turkigu leeyahay joogitaanka milateri ee ugu ballaaran Soomaaliya. Ankara ayaa Muqdisho ku maamusha xarun weyn oo lagu tababaro ciidamada, waxaana halkaas lagu tababaray kumannaan askari oo Soomaaliyeed. Turkigu wuxuu kaloo iskaashiga Soomaaliya ku ballaariyey amniga badda, tamarta iyo difaaca. Bishii Luulyo, baarlamaanka Turkiga ayaa howlgalka milateri ee Ankara ka waddo Soomaaliya u kordhiyey ilaa 2028. Bakistaan ayaa dhankeeda xoojisay xiriirka milateri iyo amni ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan la-dagaallanka argagixisada, tababarka iyo is-weydaarsiga xirfadeed. Sacuudi Carabiya waxay Soomaaliya la leedahay xiriir siyaasadeed iyo dhaqaale oo soo jireen ah, waxayna saameyn ku leedahay gobolka Badda Cas. Yaasiin ayaa sheegay in wadajirka Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Bakistaan uu farriin cad u dirayo cid kasta oo isku dayaysa inay wiiqdo ammaankooda istiraatiijiga ah iyo kan deegaannada ku xeeran. Turkigu wuxuu leeyahay ciidanka labaad ee ugu weyn NATO iyo warshado difaac oo sii kobcaya, Bakistaanna waa dalka keliya ee Muslim ah ee haysta hub nukliyeer ah, halka Sacuudi Carabiya ay leedahay saameyn dhaqaale iyo siyaasadeed oo weyn. Xeebta dheer ee Soomaaliya iyo halka ay kaga taallo Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya ayaa ka dhigaya amniga badda arrin si dhow ula xiriirta danaha dalka. Haddii iskaashigan cusub uu kordhiyo isku-duwidda saaxiibbada Muqdisho, faa’iidada Soomaaliya waxay ku xirnaan doontaa sida xiriirradaas loogu beddelo taageero amni oo wax ku ool ah.