
X oo beddeleysa barnaamijka lacag-qaybsiga abuurayaasha nuxurka
Shirkadda X ayaa soo afjaraysa barnaamijkeedii muranka dhaliyay ee lacag-qaybsiga abuurayaasha nuxurka, iyadoo 8-da September ku beddeleysa nidaam cusub oo la yiraahdo “Original Content Rewards”. Tallaabadan ayaa ah isbeddelkii ugu dambeeyay ee lagu sameeyo habka ay abuurayaasha nuxurku lacag uga helaan madasha, kaddib dhowr sano oo ay soo mareen wax-ka-beddello badan xilligii Elon Musk. Si ay ugu qalmaan barnaamijka cusub, abuurayaasha nuxurku waa inay haystaan ugu yaraan 500 oo taageerayaal la xaqiijiyay, isla markaana 90-kii maalmood ee u dambeeyay ay ka helaan ugu yaraan 500,000 oo muuqaal oo Home Timeline ah isticmaalayaal la xaqiijiyay. Shirkaddu waxay sheegtay inay jiraan shuruudo kale oo dheeraad ah. X ayaa sheegtay in nidaamkan looga gol leeyahay in diiradda laga leexiyo ka faa’iidaysiga daloollada nidaamka iyo adeegsiga cinwaannada dadka lagu soo jiito. Sida qorshuhu yahay, dib u isticmaalka nuxurka dadka kale ama ka jawaabidda qoraallada keliya ma noqon doonaan ilo dhaqaale oo lagu tiirsanaan karo. Allegra Jacchia, oo ah Maareeyaha Sare ee Wax-soo-saarka dhinaca Abuurayaasha ee SpaceXAI, ayaa X ku sheegtay in barnaamijka loo sameeyay “in lagu abaalmariyo abuurayaasha X ku soo kordhiya fikrado asal ah, aqoon, hal-abuur iyo aragtiyo gaar ah — ee aan la siin kuwa ku xeeldheer ka faa’iidaysiga nidaamka.” Dadka hadda ku jira barnaamijka lacag-qaybsiga ayaa sii wadi doona inay dakhli helaan ilaa 7-da September. Abuurayaasha nuxurka Soomaaliyeed ee doonaya inay barnaamijkan ka faa’iidaystaan waxaa go’aamin doona awoodda ay u leeyihiin inay gaaraan taageerayaal iyo daawadayaal la xaqiijiyay, halkii ay ku tiirsanaan lahaayeen faafitaan guud oo keliya.
Akhri habraaca ilaha iyo saxitaanada



Noqo qofka ugu horreeya ee fikirkiisa kaga dhiiba warkan!