
Uganda oo horumar ka samaysay xakamaynta Ebola
Cudurka Ebola ee ka dillaacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa noqday kii labaad ee ugu xumaa ee la diiwaangeliyo, iyadoo tirada rasmiga ah ee dhimashadu dhaaftay 1,500. Khubaradu waxay rumaysan yihiin in tirada dhabta ahi ay intaas ka badan tahay. Cudurkan, oo lagu dhawaaqay bishii May, ayaa sida ay mas'uuliyiinta DR Congo xaqiijiyeen Khamiistii, hadda u faafaya si ka dhakhso badan cudurradii hore ee Ebola. Uganda oo deris la ah DR Congo, isla markaana laga diiwaangeliyey kiisas bishii May, ayaa wajahaysa xaalad ka duwan. Wasiirka caafimaadka dalkaas ayaa ku tilmaamay “xilli farxadeed” markii bukaankii ugu dambeeyey ee Ebola laga saaray cusbitaalka laba toddobaad ka hor. Uganda waxaa guud ahaan laga diiwaangeliyey 20 kiis iyo laba dhimasho. Dr Kasonde Mwinga, madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka ee Uganda, ayaa sheegay in khasaaraha yar uusan ku iman “nasiib ama si kedis ah.” Kala duwanaanshaha labada dal wuxuu Soomaaliya u noqon karaa tusaale muujinaya sida diyaargarowga iyo xakamaynta degdegga ahi saameyn ugu yeelan karaan faafitaanka cudur halis ah.
Akhri habraaca ilaha iyo saxitaanada
Warar la xiriira
Faallooyinka
Noqo qofka ugu horreeya ee fikirkiisa kaga dhiiba warkan!


