Kooxda Trabzonspor ee ka ciyaarta horyaalka Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay wadahadal la gashay weeraryahanka Masar Mohamed Salah si ay ula saxiixdaan heshiis ciyaartoy xor ah. Salah oo 34 jir ah ayaa dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore uga tagay Liverpool, isagoo hadda ah ciyaartoy xor ah oo naadi kastaa lacag la'aan u soo qaadan karo. Salah ayaa bishii Juun 2017 Liverpool kaga soo biiray Roma, isagoo sagaal sano u ciyaaray kooxda, kuna guuleystay guulo badan oo muhiim ah. Intii uu Ingiriiska joogay, afar jeer ayuu ku guuleystay kabta dahabiga ah ee Premier League, waxaana saddex jeer (2018, 2022 iyo 2025) loo magacaabay ciyaaryahanka sanadka ee ururka PFA. Guud ahaan, wuxuu Liverpool u saftay 442 kulan, oo uu dhaliyay 257 gool, isla markaana uu deeqay 120 gool oo kale. Trabzonspor, oo loo yaqaan 'Dufaankii Badda Madow', ayaa ka mid ah lixda kooxood ee abid ku guuleysatay horyaalka Turkiga. Trabzonspor ayaa horyaalka ku guuleysatay todobo jeer, kuwaas oo lix ka mid ah ay gaareen intii u dhaxaysay 1976 iyo 1984. Kooxda oo fadhigeedu yahay magaalada Trabzon ee waqooyi-bari Turkiga, ayaa markii ugu dambeysay horyaalka ku guuleysatay 2022, iyagoo soo afjaray sugitaankii 38 sano ahaa. Bayaanka rasmiga ah ee uu soo saaray naadiga ayaa lagu sheegay: 'Ciyaaryahanka waxaa la qorsheeyay in uu gaaro Trabzon fiidka isla maalintaas. Waqtiga iyo faahfaahinta kale ee barnaamijka soo dhowaynta ee ka dhici doona Trabzon ayaa maalinta oo dhan lala wadaagi doonaa dadweynaha kanaalada rasmiga ah ee naadiga.' Salah ayaa Liverpool uga baxay dhamaadkii xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, isagoo hadda ah ciyaartoy xor ah. Haddii heshiisku dhammaystirmo, taageerayaasha Soomaaliyeed waxay heli doonaan fursad ay si toos ah ula socdaan ciyaaraha Trabzonspor, iyadoo Salah uu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu caansan Afrika. Tani waxay si weyn u kordhin doontaa xiisaha ay Soomaalidu u qabaan horyaalka Turkiga.