
FIFA oo Wadatashi ka Bilowday Koob Adduun oo 64 Kooxood ah
FIFA ayaa bilowday wadatashi ku saabsan ballaarinta Koobka Adduunka ee ragga si looga dhigo 64 kooxood, iyadoo dukumeentiyo ay ESPN aragtay ay muujinayaan in go’aan la doonayo in la gaaro 14-ka Agoosto. FIFA ayaa Khamiistii qaybisay warbixin cilmi-baaris ah oo cinwaankeedu yahay “Ballaarinta Suurtagalka ah ee Koobka Adduunka FIFA ilaa 64 Kooxood”, iyadoo jadwalku dhigayo in 15 maalmood gudahood lagu gaaro go’aan. Taariikhdaas kama dambaysta ah ayaa ku beegan bil ka hor waqtiga uu madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, u qabtay 211-ka urur ee xubnaha ka ah FIFA si ay u ansixiyaan qorshihiisa iibinta saamiga xakameynaya tartamada waaweyn ee FIFA. Qorshahaas, oo lagu qiimeeyay $20 bilyan, ayaa u muuqda mid wajahaya caqabado waaweyn kadib markii UEFA, CONCACAF iyo AFC ay cambaareeyeen isla markaana diideen, halka la-taliyihii sare ee Infantino uu arrintaas darteed iscasilay. Inkastoo si weyn looga soo horjeedo in maalgashadayaal gaar loo leeyahay laga iibiyo saami ku jira Koobka Adduunka, FIFA ayaa sii wadday qorshaha ballaarinta tartanka iyadoo dejisay waqti kooban oo go’aan lagu gaaro. Haddii tartanka laga dhigo 64 kooxood, qaabka ay xulalka Afrika ugu soo baxaan Koobka Adduunka ayaa isbeddeli kara, taasina waxay saameyn ku yeelan kartaa himilada fog ee Soomaaliya ee ka qaybgalka tartanka.
Akhri habraaca ilaha iyo saxitaanada
Warar la xiriira
Faallooyinka
Noqo qofka ugu horreeya ee fikirkiisa kaga dhiiba warkan!


