
Codbixinta tooska ah ee Galmudug oo si nabad ah ku soo dhammaatay
Khamiistii, xarumaha codbixinta ee Galmudug, bartamaha Soomaaliya, ayaa la xiray kaddib markii in ka badan 200,000 oo codbixiye oo diiwaangashan la siiyey fursad ay ku doortaan xildhibaannada gobolka iyo xubnaha golayaasha deegaanka. Doorashadan tooska ah ee taariikhiga ah ayaa la qabtay iyadoo ammaanka la adkeeyey. Codbixintu ayaa ka dhacday ku dhowaad 300 oo xarumood oo ku yaalla 11 degmo. Saraakiisha doorashada ayaa sheegay in hawshu si nabad ah ku dhammaatay, inteeda badanna ay ku dhammaatay waqtigii loo qorsheeyey. Qaar ka mid ah xarumaha ayaa furnaa wixii ka dambeeyey waqtiga rasmiga ah ee xiritaanka si dadka safafka ku jiray loogu oggolaado inay codeeyaan. Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa yiri: “Doorashadu guud ahaan si habsami leh ayay u dhacday, xarumihii codbixintana waxaa la xiray waqtigii loo qorsheeyey.” Ka-qaybgalka codbixiyeyaasha ee doorashada tooska ah ayaa reer Galmudug siinaya awood ay si toos ah ugu doortaan wakiillada heer gobol iyo deegaan.
Akhri habraaca ilaha iyo saxitaanada
Warar la xiriira
Faallooyinka
Noqo qofka ugu horreeya ee fikirkiisa kaga dhiiba warkan!


