Qaar ka mid ah adeegyada Namecheap ayaa hakad galay 13-ka Agoosto 2026, iyadoo booqdayaasha website-ka shirkaddu ay arkayeen bog sheegaya in Namecheap.com dayactir ku jiro. Dhibaatadu kuma koobnayn bogga iibka domains-ka: macaamiil ayaa waayay marin ay ku galaan hosting-kooda, cPanel-ka iyo adeegyo kale oo ku xirnaa kaabayaasha ay ciladdu saameysay. Wararka xaaladda adeegga ayaa dhibaatada la xiriiriyay xarun xogeed oo Phoenix ku taalla oo ay maamusho phoenixNAP. Nidaamka qaboojinta xarunta ayaa shaqada gabay, heerkulkuna kor ayuu u kacay. Kaabayaasha ay arrintu saameysay ayaa la damiyay si looga ilaaliyo kulayl xad-dhaaf ah iyo waxyeello joogto ah, taas oo sharraxaysa sababta soo-celintu u qaadatay waqti ka dheer restart caadi ah. Kooxaha farsamada ayaa keenay qaboojiyeyaal ku-meel-gaar ah, iyagoo isla markaas dayactirayay qalabka qaboojinta joogtada ah. Soo-celinta waxaa loo qorsheeyay si marxalado ah: marka hore qalabka shabakadda ee jirka ah, dabadeed qalabka shabakadda ee virtual-ka ah, ugu dambaynna adeegyada macaamiisha. Habkaas taxaddarka leh wuxuu yareynayaa khatarta ah in server-rada dib loo shido iyadoo qolka weli aad u kulul yahay. Ma ahayn in domain kasta oo Namecheap laga diiwaangeliyay uu gebi ahaanba go’ay. Saameyntu waxay ku xirnayd meesha website-ka, DNS-ka, email-ka ama hosting-ku ka shaqaynayay iyo adeegga uu isticmaaluhu ku tiirsanaa. Qaar waxay arkeen website aan furmin, qaarna dashboard ama cPanel aan la geli karin; fariinta dayactirka ee Namecheap.com-na waxay sidoo kale adkaysay helitaanka xogta xaaladda iyo taageerada. Dhacdadu waxay muujinaysaa in shirkad weyn oo domain iyo hosting bixisa ay weli ku tiirsanaan karto xarumo xogeed iyo nidaamyo jireed sida koronto iyo qaboojin. Milkiilayaasha website-yada Soomaaliyeed waa inay haystaan backup ka baxsan shirkadda hosting-ka, nuqul DNS ah oo la maamuli karo, iyo hab ay macaamiisha kula xiriiraan marka dashboard-ka shirkaddu uusan shaqayn. SomaliRoyalGamer-na wuxuu hakadka dareemay iyadoo martigelintiisu ku xirnayd kaabayaasha ay ciladdu saameysay.