Tactical FPS

Valorant

Valorant waxaa lagu guuleystaa maskax iyo toogasho isku mid ah. Aim wanaagsan oo aan xeelad lahayn waa lumis — xeelad wanaagsan oo aan aim lahayn sidoo kale. Labada mid ka dhis, maalin kasta.

Crosshair placement: madaxa mar walba

Khaladka ugu weyn ee ciyaartoyda cusub: crosshair-ka dhulka ama derbiga ayay ku hayaan. Mar walba ku hay meesha madaxa cadowga ka soo bixi karo. Tani kaligeed ayaa aim-kaaga uga faa'iido badan 100 saac oo aim trainer ah.

Hal agent baro intaadan badin

Dooro hal agent oo doorkiisa buuxa baro — abilities-ka, lineups-ka aasaasiga ah, iyo goorta la isticmaalo. Ciyaartoyga hal agent si qoto dheer u yaqaan ayaa ka faa'iido badan kooxdiisa qofka shan agent nus-nus u yaqaan.

Lacagta kooxda waa xeelad

Buy, eco, iyo force waa go'aanno kooxeed, ma aha mid shakhsi. Haddii kooxdu eco tahay, adiguna ha iibsan kaligaa. Rounds-ka eco-ga si wadajir ah u ciyaara — xitaa haddii aad lumisaan, waxaad dhawrteen lacagta round-ka xiga ee buuxa.

VOD-yadaada daawo, khaladkaaga raadi

Todobaadkiiba hal kulan oo aad lumisay dib u daawo. Ha raadin daqiiqadaha quruxda badan — raadi dhimashooyinkaaga oo weydii: halkee ayaan istaagay, maxaan u eegayay, ma jirtay macluumaad aan iska indho-tiray? Halkaas ayaa horumarku ka yimaadaa.